MINNEAPOLIS (Maarso 15, 2020) – Maadaama bulshooyinka iyo qoysasku ay wajahayaan caqabado ka dhashay faafitaanka cudurka COVID-19, Xcel Energy ma kama goyn doonto macaamiisha degganeyaasha ah adeegga korantada ama gaaska dabiiciga ah ilaa amar dambe.. Tallaabadani ayaa gacan ka geysan doonta hubinta dadka inay helaan tamarta ay u baahan yihiin si ay koronto u yeeshaan guryahooda ayna u ilaashadaan qoysaskooda. Intaa waxaa dheer, macaamiisha ay ku adag tahay bixinta biilasha korontada ama gaaska dabiiciga ah, shirkaddu la shaqeyn doontaa iyaga si ay ugu diyaariyaan qorshayaal lacag-bixin kuwaasoo daboola duruufahooda.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno macaamiishayada in ka qeyb ahaan ballanqaadkayaga bulshada aan u adeegno, inaan halkan u joogno inaan taageerno inta lagu jiro waqtigan adag,” ayuu yiri Brett Carter, ku-xigeenka madaxa fulinta, Madaxa Macaamiisha iyo Sarkaalka Hal-abuurka. “Fiillooyinka tamarta ayaa lagama maarmaan u ah kaabayaasha muhiimka ah ee qaranka waxaana u wajaheynaa hab aad loo qorsheeyay, sare khataraha oo dhan, oo ay ku jirto COVID-19. Waxaan la shaqeyn doonnaa macaamiishayada, bulshooyinkayaga iyo hoggaamiyeyaasha dowladda si aan u hubinno in nalalka iyo kuleylka ay sii daarnaadaan iyo in dadka aan u adeegno la daryeelo oo la ilaaliyo.”

Ensuring reliable service

Xcel Energy waxaa u sugnaaday shaqaale xooggan iyo qorshayaal hawlgal si loo hubiyo in hawlwadeennada warshada tamarta, shaqaalaha warshada, wakiillada daryeelka macaamiisha iyo kuwa kale inay ka bixinayaan adeeg koronto iyo gaaska dabiiciga ah oo la isku halleyn karo siddeedda gobol ee aan u adeegno, marka ay ka jawaab-celinayaan bixitaanka koronto haddii loo baahdo.

Shirkadda waxay sii wadaysaa la socoshada faafintaanka cudurka COVID-19 waxayna sii wadi doontaa xiriirka joogtada ah ay la sameynayso hay'adaha maxalliga, gobolka iyo dawladda, iyo sidoo kale ururada kale ee caafimaadka, inta lagu jiro waqtigan. Waxay sidoo kale xiriir la leedahay shirkadaha kale ee ka midka ah iyo ka baxsan warshadaha tamarta si ay u wadaagaan habdhaqanada ugu wanaagsan ee ku saabsan gaarsiinta adeeg macaamiisha iyadoo shaqaalaha la ilaalinayo

                                                                  # # #

Ku saabsan Xcel Energy

Xcel Energy (NASDAQ: XEL) waxay siisaa tamar koronto malaayiin guryo iyo meherado ee guud ahaan siddeeda gobol ee Galbeedka iyo Bartamaha Galbeedka. Iyadoo xarunta dhexe tahay Minneapolis, shirkaddu waa hormuud warshadeed oo mas'uul ka ah yareynta qiiqa kaarboonka iyo ka soo-saarista iyo ka keenista xalal tamar oo nadiif ah ilo kala duwan oo dib loo cusbooneysiin karo oo leh qiimo jaban. Wixii warbixin dheeraad ah, booqo xcelenergy.com ama nagala soco Twitter iyo Facebook.